- Kararka
- Liska
Platformkan mahan mid si dhaqso ah uga hirgalaya PL
Falooyin majiraan • 2021-03-17 •
1=Wakhti Aad ubadan oo ku baxayo bulshada in la fahamsiin lahaa adeegan in laysku keeno taas oo caqab noqonaysa
2=wakhti shaqo badan lagu qaban lahaa in iyaga waqti la galiyo taasna waa caqabad
3= in wakhti dheeriya lagu bixiyo sidii loo fahansiina ama looga dhaadhicin lahaa adeegan casrigaa deeganada puntland.
hirgalka madasha
Falooyin majiraan • 2021-03-17 •
Hirgalinta barnaamijka
hal faalo • 2021-03-18 •
- waa in laga wada hadlo barnaamijada ka socda wadooyinka magaalada si ay u timaad wada shaqayn wacan
- bulshada ku nool caasumad waxa ay helaayn ka qayb gal hifan.
Nadaafada
Falooyin majiraan • 2021-03-19 •
Waxaa nadaafad daro ka jirtaa toga wayn ee garoowe gaar ahaa xafadaha horseed iyo wadajir nadaafada toga aad ayey uliidataa qashinkii ayaa buux dhaafiyey marka sababta dawlada hoose wax uga qaban wayday baa la'rabaa. Shaqadeedii ayaa taalo wax haka qabato dawlada hoose
sidee uheli karnaa dad baden oo isticmaala madasha talo-wadaag?
hal faalo5 Talooyin ku saabsan abuurista dood • 2021-09-28 •
waxaan idinka codsanayaa in aad talo iga siisaan sida aan dad badan ugu qancin karno sida ay ugu so biiri lahaayen talo wadaag forum.
- tool?
- approaches?
- suggestions?
Mahadsanid,
Sidee lagu heli karaa dad badan oo isticmaala madasha talo-wagaad?
hal faalo8 Talooyin ku saabsan abuurista dood • 2021-09-28 •
Waxaan idinka codsanaya inaad talo-iga sii saan sidaan dad badan ugu qancin lahaa madashatan.
Iftiimin iyo dhirayn
Falooyin majiraan • 2021-03-17 •
anigoo tixgalinaya duruufaha jira owgood waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa arimahaan hoos ku qoran
1. wado kasta in loo sameeyo layrar si ay uga qayb qaataan amniga magaalada iyo bilicda wadada hana l isu jirsiiyo ugu yaraan 25-50 mitre taasoo ka dhigan in uusan qofka u baahan in uu ka fakaro aadida gurigiisa. (soomaalidu waxay tiraahdaa nin aan dhul marin dhaayo malahan) waxaan saa u lee yahay meel kasto oo aan tago Amniga magaalooyinka waxaa ka qayb qaata dhawr arimood oo ugu horayso Layreenta ama Iftiiminta qofkana u sahlaysa in uu wadada si kalsooni ah uu ku maro.
arintaan iyadoo lala kaashanayo shirkadaha ugu wayn wadanka sida NEC oo Layrka masuul ka ah NUWACO,Golis, Somtel iyo qof walba gurigiisa in uu ku dhajiyo Layrka wadooyinka si ay caawimaad u noqoto.
2.Dhiraynta Magaaladada waxaa ka qayb qaadan kara in loo sameeyo Company hawshaas qabta oo lagula xisaabtamo dawlada hoosane ay u raadiso u qareemida companygaan si ay maagalada u noqoto magaalo dhiraysan.
Ka caawi doodda
Bilow dood ku saabsan inaad la wadaagto ra'yiga dadka kale mowduucyada aad ka walaacsan tahay.
Mawduucyada doodaha muwaadiniinta waxaa loogu talagalay qof kasta oo soo bandhigi kara arrimaha walaaca iyo kuwa doonaya in ay la wadaagaan ra'yiga dadka kale.
Si aad dood u furatid waxaad u baahan tahay inaad saxiixdo% Talo-Wadaag Isticmaalayaasha ayaa sidoo kale faallo ka bixin kara doodaha furan oo ay ku qiimeeyaan iyaga oo leh "Anigu waafaqsanahay" ama "Waan diidanaa" badhkood kasta oo iyaga ka mid ah.